Madaxa maxkamadda racfaanka oo la dhaariyay

0
556

Waxaa maanta xilka madaxa maxkamadda racfaanka ee Kenya loo dhaariyay garsoore Daniel Musinga.
Munaasabadda dhaarinta waxaa guddoominaysay madaxa cadaaladda wadanka garsoore Martha Koome.
Sidoo kale munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin Muturi iyo xeer ilaaliyaha guud Paul Kihara Kariuki.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ka dib markii la dhaariyay uu garsoore Musinga xafiiska kala wareegay William Ouko oo ku biiray maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court.
Daniel Kiio Musinga ayaa ku dhaartay inuu shacabka iyo qaranka ugu adeegi doono si ay daacadnimo ku dheehan tahay oo aan lahayn eexasho iyo nin jecleysi sidoo kalena waafaqsan xeerarka wadanka.
Waxaa uu ballanqaaday inuu inta awoodiisa ah xaqiijin doono in sida habboon loo maareeyo howlaha maxkamadda isaga oo wada tashi la sameynaya madaxa cadaaladda iyo mas’uulka qaabilsan diiwaangelinta.
Xaakinka ayaa xusay inuu garab siin doono cadaaladda, sharafta iyo madax bannaanida maxkamadda.
Sidoo kale waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu magacaabi doono 6 garsoorayaal oo uu ka tagay ka dib magacyada 41 xaakin oo loo gudbiyay.
24-kii bishii hore ayay ahayd markii garsoore Daniel Musinga uu si ku meel gaar ah u qabtay xilka madaxa maxkamadda racfaanka.
Maxkamadda racfaanka ee dalka waxaa ka howlgalo 20 garsoorayaal .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here