Magaalooyiin oo ay Nairobi ka mid tahay oo aan laga bixi karin lana soo geli karin

0
1393

Wax ka yar 13 cisho gudahood , tirada dadka la dhigay isbitaallada waxay korortay in ka badan boqolkiiba 52.
Dhimashada ka dhalatay cudurka COVID-19 ee sii kordhaysa waa mid walaaceeda leh.
Ismaamullada sida Nairobi, Nakuru, Kajiado, Machakos iyo Kiambu laga billaabo saqda dhexe ee caawa lagama bixi karo lamana soo geli karo.
Sidoo kale isku imaatin kasta oo dadweyne kama qayb geli karaan wax ka badan 15 qof.
Maqaayadaha ku yaalla ismaamulladan waxay bixinayaan keliya adeegga cuntada loo qaato guriyaha.
Bandowga habeenkii ee ismaamulladan waxaa uu billaabanayaa 8-da fiidnimo ilaa 4-ta aroornimo.
Dhammaan howlaha tooska ah ee waxbarashada sida jaamacadaha iyo machadyada waa la mamnuucay marka laga soo tago ardayda imtixaannada sameynaya.
Waxaa mamnuuc ah tartamada cayaaraha.
Gaadiidka dadweynaha waa in ay qaadaan keliya boqolkiiba 60 ee rakaabka.
Qofka xanuunsan ee isbitaalka ku jiro waxaa booqan karo keliya labo qof.
Aroosyada dadka ka qayb galaya kama badnaan karaan 30 qof.
Isku soo baxyada siyaasadeed weli waa mamnuuc.
Dadka jiro ama ka wayn 58 sano waa la tallaalayaa xilligan oo uu socdo wajiga koowaad ee tallaalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo loo baahan yahay oo ku meel gaar ah.
Wuxuu sheegay in hadii aan tallaabo la qaadin ay xaaladdu sii adkaan karto.
Waxaa uu ku celceliyay in cudurka COVID-19 uu yahay cadow qarsoon.
Wuxuu sheegay in dowladda keligeed aynan dagaalka ku guulaysan karin.
Howlaha cibaadada sida salaadaha jamaacada ah ee shanta ismaamul waa la hakiyay balse kuwa kale waa ay ka sii soconayaan waa in loo hoggaansamo amarrada sida kala fogaanshaha iyo afduubka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in ay sameynayaan wax kasta oo ay ku qaadato badbaadinta nolosha bulshada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in dowladda aynan ilaalin karin habdhaqankaaga sidaas awgeedna caafimaadkaaga, midka qoyskaaga, asxaabtaada iyo dariskaaga ay mas’uuliyad kaa saaran tahay.
Saraakiisha qaabilsan dhaqangelinta amarrada dowladda ayuu madaxweynaha dalka ku amray in waajibaadkooda ay sida laga doonayo u gutaan.
Waxaa uu labo mar ku celiyay in cudurka loo dhimanaya.
Wuxuu ku baaqay in cid kasta ay talllaalka qaadato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here