Rashid Echesa oo maanta maxkamadda lagu celinaya

0
368

Waxaa maanta mar kale maxkamadda ismaamulka Kiambu la soo taagaya wasiirkii hore ee cayaaraha Rashid Echesa.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay ay maxkamaddu dib u dhigtay in ay go’aan ka soo saarto codsi uu gudbiyay oo ahaa in racfaan lagu siidaayo.
Waxaa uu xalay ku hooyday saldhigga booliska ee Gigiri ee magaalada Nairobi.
Rashid Echesa ayaa toddobaadkii hore laga dhex arkay muuqaal isagoo dharbaxaya mid ka mid ah saraakiisha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Waxaa uu ku doodayaa in dacwadda uu wajahayo ay tahay mid siyaasadeysan balse aynan wax isbeddel ah ku keeni doonin taageerada uu u muujinayo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here