Guddiga IEBC oo si adag ooga digtay siyaasiyiinta inay rabshada ku dhaqaaqaan

0
559

Guddiga madaxa bannan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka IEBC ayaa waxay shegeen inaan loo dul qaadan doonin wax walba oo rabshad ah inay ka dhacdo doorashada ku celiska Machakos.
Guddomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa xusay in gudidgaa uu haatan isku diyarinayo doorashada ku celiska ay la asteeyay inay dhacdo 18-ka bishaan ee kursiga Senetka Ismaamulka Machakos.
War saxafadeed u guddiga soo saaray saaka balse ku taariikhaysan 5-ta Maarso ee 2021-ka ayaa waxay si adag ugu digayaan siyaasiyiinta iyo shacabka inaan loo dulqaadan karin wax rabshado ah.
Chebukati ayaa cambaareeyay dhamaan rabshadihii doorashada iyo dhibaatada loo geystay saraakiisha guddiga ee deegaanada doorashada ku celiska ka dhacday oo shaqadooda si hufan u guddanyay 4-tii bishaan.
IEBC ayaa sheegtay inay arkeyso kala dambeyn la’aanta iyo rabshadaha deeganada kala duwan, hadii la xakamayn waayo waxa suura gal ah inay saameyn ku yeelato amaanka qaran ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Chebukati ayaa xusay in IEBC ay u saraakiisha dhibaatada loo geystay u sameyn doonta la talin.
War saxafadeedka guddiga IEBC ayaa waxay farta ku fiiqeen Senetarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala inuu yahay qofkii abaabulay weerarkii loo gaystay haweenay ka tirsan saraakiisha guddiga IEBC ee deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega.
Guddiga ayaa sheegay inay dhibka loo gaystay saraakiisha iyo agabka doorashada oo la burburiyay ay u gudbin doonaan xafiiska dacwad soo oogaha ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here