DHAGEYSO:Xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya oo dalbaday in doorashada ay ku dhacdo qof iyo cod ah

0
775

Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa dowladda dhexe ka dalbaday in doorashada ay ku dhacdo qof iyo cod mar hadii doorashada dadban lagu heshiin waayay.
Guddoomiyeyaasha xisbiyaadan ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin doorasho cod iyo qof ah.
Waxaa ay shaaciyeen in lagu heshiin waayay heshiiskii la saxiixay 17-kii bishii Sebtembar ee sanadkii hore.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu ku yimid doorasho, islamarkaana uu doorasho ku bixi doono.
Guddomiyeyaasha axsaabtaan ayaa kala ah Cali Maxamad Nuur Timo Jilic oo ka socday xisbiga midnimada jamhuuriga ah, Cabdullaahi Salaamullaahi oo ka socday a xisbiga Tiir iyo Muriidi Goolaf oo ka socday xisbiga isbaheysiga cadaaladda iyo siyaasadda.
Waxaa ay ku baaqeen in asxaabta siyaasadda shir ay isugu yimaadaan 21-ka bishaan oo looga hadlayo khilaafka doorashada Soomaaliya.
Mar ay arrimahan ka hadlayeen ayaa waxaa hadaladoodi ka mid ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here