Ururka macallimiinta ee KUPPET oo ku taliyay in wada hadal lagu xalliyo rabshadaha dugsiyada

0
779

Guddoomiyaha ururka macallimiinta ee KUPPET Mr. Omboko Milemba ayaa ku baaqay wada hadal joogto ah oo dhexmara macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta si loo xalliyo rabshadaha la xiriira dab qabadsiinta dugsiyada iyo caqabadaha ka taagan goobaha tacliinta.
Waxaa uu sheegay in falalka ay ardayda ku kacayaan iyo cadaawadda loo qabo macallimiinta iskuullada ay yihiin arrimo si nabad ah loo xallin karo.
Mr. Omboko ayaa xusay in xal u helidda dhibaatooyinkan loo mari karo iskaashi xeel dheer oo u dhexeeya aardayda iyo saamileyda waxbarashada.
Guddoomiyaha waxaa uu carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xal u raadinta dhibaatooyinka ay ardayda uu geystaan macallimiinta iyo falalka gubitaanka iskuullada oo ay ardayda sameeyaan.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay ismaamulka Nakuru ayuu sidoo kale sheegay in looga baahan yahay guddiyada iskuullada iyo waalidiinta in ay si dhow ula shaqeeyaan golaha ardayda si dhibaatooyinka iyo arrimaha ka taagan goobaha waxbarashada loo soo afjaro.
Milemba ayaa dhanka kale ku boorriyay maamullada iskuullada iyo waalidiinta in ay ardayda wajahaya xaaladda culeyska dhanka maskaxda ee waxbarashada ay helaan la talin halkii dib loo soo celin lahaa ciqaabta jireed ee uu sheegay inay ka soo horjeeddo sharciga maadaama ay tahay nooc ka mid ah xadgudubyada ka dhanka ah carruurta. .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here