DHAGEYSO:Naafada dalka oo cambaareeysay hadal ka soo yeeray Junet Maxamad

0
630

Qaar ka mid ah dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee dalka ayaa cambaareeyay hadal uu shalay jeediyay xildhibaanka deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad.
Hadalkan ayaa ahaa mid uu Junet oo xilligaas ku sugnaa ismaamulka Turkana ku bartilmaameedsaday Issac Mwaura oo aqalka sare si magacaabid ah ku galay.
Dadka uunan lixaadka u dhameystirnayn ayaa xildhibaanka ku eedeyay inuu muujiyay dareen ay dhibsadeen oo nasiib darro ah sidoo kalena xaqiraad laga dheehan karo.
Waxay ka dalbadeen in uu ka laabto raali gelinna ka bixiyo hadii kale ay dacwad ka dhan ah u gudbinayaan guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC iyo waaxda dambi baarista ee DCI.

Mudanaha bariga Suna Junet Maxamad ayaa dhankiisa qoraal uu dhawaan soo dhigay Twittarka raali gelin kaga bixiyay hadalkii ka soo yeeray oo uu xusay in uunan ula dan lahayn dhammaan naafada balse uu ku soo bandhigayay oo keliya aragtidiisa ku aaddan habdhaqanka Issac Mwaura.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here