Markab laga leeyahay Turkiga oo lagu weeraray galbeedka Afrika

0
589

Waxaa lagu soo warramayaa in burcad badeed ay weerar ku afduubatay 15 ka mid ah shaqaalaha markab laga leeyahay wadanka Turkiga iyadoo hal qofna la dilay.
Militariga Turkiga ayaa guda galay howlgallo samata bixin ah.
Waaxda maareynta badaha ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in dadka la weeraray ay meel nabad ah isku xireen hasa ahaate burcadda ay 6 saacadood ka dib u suuragashay inay goobtaas galaan.
Markab dadkii ka shaqeeynayay mid ka mid ah la dilay , 15 kalena la afduubtay ayaa lagu sheegay M/V Mozart .
Warbaahinta Turkiga ayaa shakhsiga la dilay ku sheegtay farsamo yaqaan lagu magacaabo Farman Ismayilov oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Azerbaijan.
Markabka ayaa hadda ku wajahan dekadda dalka Gabon ee Gentil.
Madaxtooyada Turkiga ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu labo mar la xiriiray sarkaal sare oo markabka hagayay Furkan Yaren.
Waxaa uu Erdogan amar ku bixiyay in la soo siidaayo dadka la afduubtay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa la hadlay dhigiisa Azerbaijan wuxuuna kaga tacsiyeeyay geerida ku timid muwaadinka dalkaas .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here