Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay rajeynaysa in Israa’iil ay toddobaadyo gudahooda ku soo afjarto duullaanka militari ee Qaza.
Waxaa uu xusay in maamulka madaxweyne Joe Biden uu mas’uuliyiinta Israa’iil u sheegay in aynan aaminsanayn in duullaanka uu bilooyin sii socdo.
Saraakiisha Israa’iil ayaa dhankooda xusay inay daneynayaan in xaaladda ay sidii caadiga ahayd ku soo laabato iyadoo si gaar ah loo eegaya xasiloonida dhaqaale in kastoo aynan damaanaqaad sameyn.
Waxaa sidatan ku warramaya joornaalka Wall Street Journal oo soo xiganaya ilo wareedyo ka tirsan Maraykanka oo arrimahan xog ogaal u ah.