16 ka mid ah ardayda dugsiga Upper Hill oo isbitaal la dhigay

0
198

16 ka mid ah ardayda dugsiga sare ee Upper Hill ee magaalada Nairobi ayaa isbitaal la geeyay ka dib markii looga shakiyay cudurka daacuunka.
Waxay ardaydan isugu jiraan 13 lagu dabiibaya isbitaalka South B Hospital halka saddexda kalena ay ku jiraan xarunta caafimaad ee Savannah .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in isbitaalka Mbagathi laga saaray 60 arday oo ka mid ahaa 90 uu saameeyay daacuunka kuwaasi oo la daaweeyay.
Baaritaanno dabagal ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in arday badan ay billaabeen inay matagaan sidoo kalena ay ka cawdaan xanuun dhanka caloosha ah ka dib cuntooyin ay qaataan Jimcihii la soo dhaafay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saameynta ugu badan ay soo gaartay ardayda fasalka saddexaad ee dugsiga sare ee Upper Hill.
Dhawaan ayay ahayd markii ay wasaaradda tacliinta ee dalka walaac ka muujisay inay biyo yari soo foodsaartay dugsiyada ku yaalla caasimadda dalka.
Macluumaadka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa muujinaya in tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore ismaamulka Nairobi laga diiwaangeliyay in ka badan 500 oo ah xaaladaha cudurka daacuunka oo ay u dhinteen 85 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here