Duqa magaalada Johannesburg ee dalka koonfur Africa oo u dhintay COVID 19

0
342

Duqa magaalada Johannesburg Geoff Makhubo ayaa u dhintey xanuunka Corona Virus sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta dalka koonfur Africa.
Dalka koonfur Africa ayaa laga cabsi qaba inuu ku dhufto hiirka labaad ee caabuqa COVID 19.
Makhubo ayaa usbuuci la soo dhaafay la dhigay isbtaal ku yaala magaalada Johannesburg isagoona ugu dambeyn maanta geeriyooday.
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa tacsi u diray qoyska Makhubo,waxaa uuna sheegay in cudurka uu halis ku yahay nolosha aadanaha.
Waxaa uuna shacabkiisa ugu baaqay inay ka taxadaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here