Dowladda oo beenisay in la helay warqadaha imtixaanka KCSE-da

0
446

Xoghayaha joogtada ah ee waaxda tacliinta aasaasiga ,Julius Ouma Jwan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in la dusiyay warqadaha ay ku qoran yihiin su’aalaha madooyinka kala duwan ee imtixaanka qaran ee KCSE-da.
Xoghayaha ayaa mid xaqiiqda aan ku saleysnayn ku sheegay warbixin lagu daabacay mid ka mid ah wargeysyada maalinlaha ee dalka.
Wuxuu intaa ku daray in warbixintu ay tahay mid aan niyad wanaagsan laga lahayn sidaas awgeedna uu kenyaanka ugu baaqay in ay iska indho-tiraan.
Xilli uu maanta warbaahinta kula hadlay deegaanka Kibra ee ismaamulka Nairobi ayuu Jwan xaqiijiyay in imtixaanka shahaaddiga ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare uu ka billowday guud ahaan wadanka.
Sanadkan waxaa imtixaanka qaran ee KCSE-da sameeynaya arday dhan 752,437.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa isagoo ku sugan ismaamulka Migori sidoo kale xaqiijiyay in aynan jirin cid xilli hore heshay imtixaanka wuxuuna dhanka kale ardayda kula taliyay inay aad u dadalaan.
Dhanka kale xoghayaha sare ee wasaaradda waxbarashada u qaabilsan dhanka maamulka Mumina Bonaya ayaa howlo kormeer ah u tagtay Isiolo halka xoghayaha waaxda tacliinta sare iyo cilmi baarista Simeon Nabukwesi ay goobjoog ka ahayd qaybinta warqadaha KCSE-da ee deegaanka Webuye oo ka tirsan ismaamulka Bungoma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here