WHO oo ku baaqday in aan la joojin isticmaalka tallaalka AstraZeneca

0
402

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dowladaha caalamka ugu baaqday in aynan joojin isticmaalka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 gaar ahaan nooca loo yaqaano AstraZeneca.
Tani ayaa timid ka dib markii ugu yaraan saddex dal oo ku kala yaalla qaaradaha Yurub iyo Aasiya ay hakiyeen adeegsiga daawadan.
Wadamada sheegay in aan la sii wadi doonin in shacabka la siiyo nooca tallaalka ee AstraZeneca waxaa ka mid ah Jarmalka, Faransiiska Spain iyo Talyaaniga.
Go’aamada ay dowladahan qaateen ayay ku saleyeen in daawadan ay saameynayso xinjiraha dhiiga.
Hasa ahaate WHO ayaa sheegaysa in ilaa iyo hadda aynan jirin caddeyn muujinaysa in tallaalkan uu wax u dhimayo caafimaadka qofka qaata ama wax dhimasho ah oo la soo tabiyay oo howshan la xiriirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here