Xisbullah oo sheegtay weeraro dheeraad ah oo lagu qaaday ciidamada iyo saldhigyada militari ee Israa’iil

0
436

Kooxda hubeysan ee Xisbullah, ayaa sheegtay in dagaalyahannohooda ay gantaallo ku bartilmaamedsadeen goobta Al-Malikiyah ee waqooyiga Israa’iil, oo ku dhow magaalada xadka la leh Lebanon ee Aitaroun, saacadihii hore ee saaka.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen weerar gantaal ah oo lagu qaaday waxa ay ku tilmaameen “goob cusub oo la aasaasay” ee Jabal al-Bat oo u dhow Aitaroun, iyo sidoo kale ciidamada Israa’iil iyo goobta madaafiicda ee ku dhow al-Abbad ee koonfurta Lubnaan.
Kooxda ayaa intaa ku dartay in dagaalyahannohooda ay sidoo kale weerareen goob kale oo Israa’iil ku leedahay Tell el-Hamames, oo ku taalla koonfurta magaalada Khiam, iyaga oo adeegsaday gantaallo.