Xildhibaanka deegaan doorashada Ol Kalou David Njuguna Kiaraho ayaa geeriyooday. Geerida xildhibaanka ayaa dhacday Axadda maanta ah, xilli uu ku jiray daaweyn uu ka helayay isbitaalka Nairobi.
Kiaraho ayaa soo noqday xildhibaan tan iyo sannadkii 2013, isagoo matalayay deegaanka Ol Kalou, waxaa uuna ku jiray muddo xileedkiisii saddexaad ee Barlamaanka Qaranka. Baarlamaanka 13-aad, xildhibaanka ayaa xubin ka ahaa guddiga gaadiidka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidoo kale guddiga nidaamka iyo xeerarka golaha.
Marka laga soo tago shaqadiisa siyaasadeed, Kiaraho ayaa lahaa xirfad dheer oo dhanka naqshadaynta dhismayaasha ah, waxaa uuna ahaa naqshadeeye sare oo ka tirsan shirkadda Archgrid Systems.
Afhayeenka Barlamaanka Qaranka, Moses Wetang’ula, ayaa ku dhawaaqay geerida xildhibaanka, waxaa uuna magacaabay guddi qabanqaabiya aaska si ay ula shaqeeyaan qoyska una diyaariyaan aas qaran. Guddigan ayaa waxaa hoggaamin doona xildhibaan Kwenya Thuku oo laga soo doortay deegaanka Kinangop.




