Wasiirka maaliyadda Pakistan oo la kulmi doono IMF

0
178

Wafdi uu hoggaaminaya wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Pakistan Ishaq Dar ayaa la filayaa inuu magaalada Geneva ee wadanka Switzerland uu kulan kula yeesho mas’uuliyiinta hay’adaha lacagaha adduunka ee IMF.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo IMF aynan weli soo saarin lacag dhan 1.1 bilyan oo doolar oo la rajeynayay bishii 11-aad ee sanadkii hore.
Kulanka hay’adda iyo saraakiisha Pakistan ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeen u hadlay IMF oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.
Waxaa uu intaasi ku daray in is-aragga labada dhinac uu noqon doono kulan dooceed maadaama Geneva uu ka qaybsoomaya shirweyne.
Jimcihii ayay ahayd markii agaasimaha guud ee hay’adda lacagaha adduunka Kristalina Georgieva ay wada hadal wax ku ool ah la yeelatay ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.