Wasaaradda arrimaha gudaha oo walaac ka muujisay dhismooyinka dumo

0
233

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa qoraal ay soo saartay waxay walaac uga muujisay dhacdooyinka ay dhismooyinka ku dumaan oo ay sheegtay inay kordheen.
Tani ayay wasaaraddu hoosta ka xarriiqday inay halis ku tahay badqabka kenyaanka.
Waxay soo xigatay in maamulka qaran ee dhismooyinka uu diiwaangeliyay in tan iyo sanadkii 1990-kii ay dumeen guriyo dhan 154.
Waxaa dhacdooyinkan ku nafwaayay 253 qof halka ay ku dhaawacmeen 320 qof oo kale.
Tani ayaa keentay in madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka sidoo kalena ah madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada wadanka Felix Koskei inuu kulan la qaato shirkadaha guriyaha dhiso iyo waaxyaha dowladda ee arrimahan maareeya.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Raymond Omollo ayaa shirkaasi ka sheegay in loo baahan yahay in dadweynaha lagu wacyigeliyo siyaabaha ay ku ogaan karaan in guriga uu qarka u saaran yahay inuu soo dumo.