Wararkii ugu dambeeyay ee khilafaadka Bariga Dhexe

0
599

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro cusub oo ay ku bartilmaameedsadeen kaabayaal dowladeed oo ku yaalla magaalada Tehran iyo meelo kale oo ka tirsan Iiraan. Weerarradan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda ay sii xoogeysanayso, isla markaana labada dhinac ay sii kordhinayaan duqeymaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baqir Qaalibaaf, ayaa sheegay in ciidamadooda ay diyaar u yihiin weerar dhulka ah oo uu Mareykanka qaado, isagoo Xukuumadda Washington ku eedeeyay inay muujinayso wadahadal halka ay dhab ahaantii qorsheyneyso kordhinta dagaalka. Dhanka kale, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Iiraan ay saddex gantaal ku weerartay koonfurta Israa’iil, labo ka mid ahna la soo riday halka mid uu ku dhacay meel bannaan ah.
Howlgalka badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo kordhinta taageerada Xuutiyiinta Yemen ay siinayaan Iiraan, isagoo digniin u diray maraakiibta. Sidoo kale, helitaanka internet-ka ee gudaha Iiraan ayaa si weyn hoos ugu dhacay, iyadoo lagu qiyaasay in uu gaaray qiyaastii boqolkiiba 1 heerkii caadiga ahaa, xilli xannibaadda ay gashay maalintii 30-aad.
Dhanka kale, dalalka Suuriya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cambaareeyay weerar lagu qaaday hoyga madaxweynaha maamulka Kurdiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq. Lubnaan ayaa sheegtay in laba qof ay ku dhinteen duqeyn ay Israa’iil ka geysatay koonfurta dalkaas. Dalalka Khaliijka, Imaaraadka ayaa sheegay inay soo rideen gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, halka seeriga hawada laga maqlay Kuwait iyo Baxreyn, Sacuudi Carabiyana ay sheegtay inay soo ridday 10 diyaaradood oo aan duuliye lahayn.