Ugu yaraan 6 qof oo ku dhaawacmay isbuurasho ka dhacday halka lagu qabanaya Mashujaa Day

0
330

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 6 qof ay ku dhaawacmeen isbuurasho laga soo tabiyay albaabka saddexaad ee Gate C ee fagaaraha Kericho Green Stadium ee ismaamulka Kericho.
Tani ayaa timid xilli ay saaka kumanaan qof oo shacab ah ay isku dayayeen inay gudaha u galaan goobtaasi oo lagu qabanaya dabbaal degga qaran ee maalinta halyeeyada ee Mashujaa Day.
10,000 oo ruux ayaa loogu talagalay ka qayb galka xuska maalinta halyeeyada ee fagaaraha Kericho Green Stadium.
Ka dib isbuurashada la soo tabiyay ayay ciidamada ammaanka xaaladda sidii hore ku soo celiyeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tan iyo abaare 1-dii habeenimo ee xalay ay dadweynaha halkaasi tagayeen.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah canug yar waxaana dhaawaca la geeyay isbitaalka wayn ee ismaamulka Kericho si loo daaweeyo.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo lagu wado inuu maanta si rasmi ah u daahfuro barnaamijka caafimaadka guud ee UHC ayaa halkaasi ku sugan.