Tuju oo wajahaya xabsi saddex sano ah ka dib markii uu sameeyay afduub been abuur ah

0
481

Faahfaahin cusub oo ka timid Waaxda baarista dambiyada ee DCI-da ayaa xoojisay cadaadiska sharciga ee horyaalla wasiirkii hore ee Golaha Wasiirada, Raphael Tuju, iyadoo dambi baarayaasha ay tilmaamayaan in ay suurtagal tahay inuu jebiyey Qodobka 129 ee Xeerka Ciqaabta ka dib markii uu sameeyay sheego been abuur ah oo ku saabsan afduub.
Dambi baarayaasha ayaa ku adkeeyay in Tuju uusan ka bixin gurigiisa muddadii la sheegay inuu maqnaa, iyadoo xogta sirdoonka iyo baaritaanka farsamo ee DCI ay muujinayaan in uu joogay gudaha guriga xitaa markii taleefankiisa la damiyay 18:18 21-kii Maarso. Marka laga soo tago, Tuju ayaa go’aansaday inuu dib u soo muuqdo markii uu ogaaday in booliiska ay xaqiiqda la socdaan, taasoo muujinaysa in maqnaanshihiisa uu ahaa mid si ula kac ah loo qorsheeyay.
Falkaas ayaa ku xad gudbay Qodobka 129 ee Xeerka Ciqaabta, kaasoo dhigaya in qof kasta oo si ula kac ah u bixiya macluumaad been abuur ah oo ku saabsan arrin dowladeed uu mudan karo xabsi ilaa saddex sano.
Tuju ayaa lagu hayaa Saldhigga Booliiska Karen, halkaasoo lagu sugaayo inuu bixiyo faahfaahin dhameystiran oo ku saabsan halka uu joogay, gaariga la dayacay, iyo sheegashadiisa ah in uu magangelyo ka helay taageerayaal ku sugnaa Kiambu, ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin. DCI ayaa ku adkeysanaysa in tallaabo adag laga qaadi doono falalka noocan oo kale ah si loo soo celiyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha ammaanka.