Tuju oo sheegay inuu dhumaaleysi ku jiray

0
368

Wasiirkii hore ee dowladda Raphael Tuju ayaa maanta shir jaraa’id qabtay ka dib markii la sheegay in la waayay Sabtidii. Qoyska Tuju ayaa sheegay in isaga iyo darawalkiisii la waayay xilli ay ku sii jeedeen wareysi uu la lahaa raadiyaha Ramogi, iyadoo gaarigiisa laga helay gudaha xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Tuju ayaa sheegay inuu isqarinaayay ka dib markii uu ogaaday in dad uu ka shakiyay ay ku daba jireen. Waxaa uu xusay in arrintan uu hore ugu wargeliyay saraakiisha ammaanka ee saldhigga Karen isagoo sheegay inuu ku dhumaaleysanayay hoy ku yaalo ismaamulka Kiambu. Sidoo kale waxaa uu sharxay sida uu uga baxsaday, isagoo sheegay inuu leexday waddo kale taasoo keentay inay lumiyaan raadkiisa.
Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inay jiraan kooxo afduub ka geysta gudaha magaalada, taasoo sii xoojisay shakiga ku saabsan dhacdadan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Tuju uu ku jiro muran sharci oo la xiriira lahaanshaha xaruunta ganacsiga ee Dari ee xaafadda Karen, kaasoo ka dhashay deyn lacageed oo aan la bixin oo laga qaatay Bangiga Horumarinta Bariga Afrika sanadkii 2015-kii.