TSC oo uga digtay shacabka inay ka fogaadaan bog Facebook oo been abuur ah

0
134

Guddiga Adeegga Macallimiinta ee TSC ayaa uga digay shacabka inay ka fogaadaan la macaamilka bog Facebook oo been abuur ah oo sheeganaya inuu leeyahay ku simaha agaasimaha guud ee guddiga, Evaleen Mitei. Qoraal la soo saaray Talaadadii shalay, guddiga ayaa boggaas ku tilmaamay mid khiyaano ah, isagoo ku boorriyay dhammaan daneeyayaasha inay iska indhatiraan wixii macluumaad ah ee laga faafiyo.
Guddiga ayaa caddeeyay in dhammaan wararka rasmiga ah lagu baahiyo oo keliya baraha uu si rasmi ah u leeyahay, sida bogga Facebook ee “TSC Kenya” iyo akoonkiisa X, kuwaas oo leh calaamadda xaqiijinta buluugga ah. Bogga been abuurka ah ee lagu magacaabo “Mrs Evaleen Mitei” ayaa leh kumannaan dad oo ku xiran, waxaa uuna adeegsadaa sawirka ku simaha agaasimaha guud iyo calaamad marin habaabin ah oo u eg mid rasmi ah.
Digniintan ayaa imaneysa xilli guddiga uu faray dhammaan macallimiinta diiwaangashan ee aan hadda shaqada ku jirin inay cusboonaysiiyaan xogtooda shaqsiyeed iyo tan xirfadeed iyagoo adeegsanaya nidaamka elektarooniga ah ee guddiga. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe qaran oo lagu hagaajinayo kaydinta xogta iyo qorsheynta waxbarashada.
Sidoo kale, digniinta ayaa ku soo beegmeysaa iyadoo ay kordhayaan falalka is yeelyeelka ee lagu sameeyo hay’adaha dowladda iyo mas’uuliyiinta, gaar ahaan baraha bulshada, si lacag looga qaado dad aan waxba ka ogeyn khiyaanadaas. Arrintan ayaa keentay walaac sii kordhaya oo ku saabsan amniga macluumaadka iyo kalsoonida dadweynaha.