Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisa uu Iiraan la yeeshay “wada hadallo aad u wanaagsan oo wax soo saar leh” muddo laba maalmood ah oo ku saabsan xallinta dhamaystiran ee colaadda Bariga Dhexe.
Trump ayaa intaa ku daray inuu amray in la hakiyo dhammaan weerarrada miitari ee lagu beegsan lahaa xaruumaha tamarta ee Iiraan muddo shan maalmood ah, iyadoo lagu xiraayo guusha wadahadallada socda, isagoo sheegay in wada hadallada ay sii socon doonaan toddobaadkan oo dhan.
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Mehr ee Iiraan ayaa baahisay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, oo ay ku sheegtay in aanu jirin wax wada hadal ah oo rasmi ah oo u dhexeeya Xukuumadaha Tehran iyo Washington.
War saxaafadeedka Iiraan ayaa intaa ku daray in hadallada Trump ay ujeedadooda tahay hoos u dhigidda qiimaha tamarta iyo helidda waqti uu ku fuliyo qorshayaal militari, isla markaana dadaallo ay wadaan dalalka gobolka si loo yareeyo xiisadda ay tahay in loo jeediyo Washington, “dhinaca bilaabay dagaalka.”




