Tehran oo digniin u dirtay Jaamacadaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Bariga Dhexe

0
411

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sii wada weerarrada ay ku qaadayaan Iiraan, iyadoo weerarro ka dhacay gobolka Bushehr ay ku dhinteen afar qof oo hal qoys ah, halka goob biyo lagu farsameeyo oo ku taalla gobolka Khuzestan la weeraray. Xukuumadda Tehran ayaa ku hanjabtay inay ka jawaabi doonto weerarradaas, iyada oo beegsan doonto jaamacadaha Israa’iil iyo Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sidoo weerar labaad oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadaya Israa’iil, iyaga oo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan ilaa Israa’iil “ka joojiso weerarradeeda iyo gardarada” ay ku hayso dowladda Islaamiga ah ee Iiraan.