Tamarta Nukliyeerka oo la filayo inay hoos u dhigto kharashaadka korontada, isla markaana dardargeliso kobaca warshadaha

0
638

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay qorsheyneyso inay ilaheeda tamarta ku darto tamarta nukliyeerka, si loo xoojiyo awoodda guud ee soo saarka korontada dalka. Qorshahan ayaa qayb ka ah himilada lagu kordhinayo korontada laga soo saaro dalka, iyadoo laga qaadayo 3,300 megawatt ilaa 10,000 megawatt, halkaas oo 3,000 megawatt laga filayo inay ka timaaddo tamarta nukliyeerka.
Madaxweynaha oo ka hadlay shir caalami ah oo ka dhacay Xaruunta shirarka caalamiga ah ee KICC ee magaalada Nairobi ayaa muujiyay in tamarta nukliyeerka ay tahay mid ammaan ah, isla markaana ay si ballaaran u adeegsadaan dalalka horumaray si ay u kobciyaan dhaqaalahooda. Waxaa uu xusay in Kenya ay dejin doonto sharciyo dhammeystiran oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah ee badbaadada iyo ilaalinta tamarta nukliyeerka.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa carrabka ku adkeeyay in tamarta ay laf dhabar u tahay warshadaynta, hal abuurka iyo isbeddelka dhaqaale. Ku darista tamarta nukliyeerka ee shabakadda korontada qaranka ayaa la filayaa inay daboosho baahida sii kordheysa ee korontada, iyadoo la helayo tamar nadiif ah, la isku halleyn karo, isla markaana joogto ah.
Sidoo kale, qorshahan ayaa la filayaa inuu hoos u dhigo qiimaha korontada, yareeyo ku tiirsanaanta shidaalka qaaliga ah ee aan degganeyn, isla markaana xoojiyo amniga tamarta dalka. Dowladda ayaa qiyaastay in isku darka ilaha tamarta uu sababi karo hoos u dhac qiimaha korontada oo u dhexeeya 4 ilaa 5.5 senti halkii unug.
Dhanka kale, dhismaha warshad nukliyeer oo awooddeedu tahay 2,000 megawatt oo laga hirgelinayo dowlad deegaanka Siaya ayaa la qorsheeyay inuu billowdo sanadka soo socda, iyadoo la filayo in la howlgeliyo sannadka 2034. Mashruucan ayaa la filayaa inuu abuuro kumannaan shaqo, soo jiito maalgelin, isla markaana kor u qaado kobaca qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha dalka.