Tababarihii hore ee xulka qaranka kenya oo geeriyooday

0
303

Tababarihii hore ee xulka qaranka Kenya Harambee Stars Engin Firat ayaa geeriyooday.
Madaxweynaha FKF Hussein Mohamed ayaa ka tacsiyeeyay geeridiisa, kuna ammaanay doorkiisa kubadda cagta Kenya.
Firat ayaa waxaa ku soo booday wadno xanuun degdeg ah xili uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Istanbul; sida ay xaqiijisay kooxdiisa Al Nejmeh SC.