Wasiirka Maaliyadda ee Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in kooxda Xamas, laga yaabo in muddo dhow lagu wargeliyo inay hubkooda dhiigaan. Wasiirka ayaa sheegay in maalmaha soo socda Xamas looga baahan doono inay hubkooda dhigaan isla markaana si buuxda looga nadiifiyo dhulka Qaza.
Israa’iil ayaa weerartay Qaza sanadkii 2023, ka dib markii Xamas ay fulisay weerar aan hore loo arag 7-dii Oktoobar. Dagaalkaas ayaa sababay burbur baaxad leh iyo khasaare dhimasho oo ballaaran.
Haddii Xamas aanay u hoggaansamin waajibaadka hub ka dhigista, ciidamada Israa’iil ayaa diyaarinaya qorshayaal militari oo ballaaran si ay u xaqiijiyaan amniga gudaha iyo ilaalinta xuduudaha, iyadoo howlgallada la qorsheeyay ay helayaan taageero caalami ah iyo mid Maraykan ah.




