Hoggaamiyaasha siyaasadeed ayaa looga digay inay adeegsadaan hadallo iyo falal horseedi karo kicin dadweyne si looga hor tago rabshado wax u dhimaya xasiloonida guud ee wadanka.
Waxaa baaqan soo saaray guddoomiyaha gole-diimeedka iskudhafka ah ee loo xilsaaray inuu qayb ka noqdo wacyigelinta bulshada ee ka dhanka ah caabuqa corona Anthony Muheria.
Muheria ayaa siyaasiyiinta xusuusiyay inay mas’uuliyad qaran ka saaran tahay badbaadinta wadanka iyo u adeegidda dadweynaha.
Sidoo kale Anthony Muheria waxaa uu kenyaanka ugu baaqay in 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan ay musharraxiinta kala duwan ee ay u codeynayaan ku soo xushaan qaab xikmad ku dheehan tahay.
Waxaa uu soo jeediyay in aan xilalka hoggaanka fursad loo siin qof kasta oo aan mudnaanta koowaad siinin midnimada shacabka iyo nabadgalyada dalka.