Sifuna iyo Babu oo dhaliilay Wetang’ula ka dib xayiraadda xildhibaan Kibagendi

0
138

Garabka Linda Wananchi ee xisbiga ODM ayaa ku dhawaaqay in ay maxkamadda la tiigsanayaan afhayeenka Barlamaanka Moses Wetang’ula, iyagoo ku eedeeyay xayiraadda Xildhibaan Antony Kibagendi mid ka hor imaanaysa dastuurka. Hoggaamiyeyaasha garabkaas ayaa sheegay in tallaabadaas ay jebinayso amarradii maxkamadeed ee hore loo soo saaray.
Iyagoo la hadlayay warbaahinta gudaha dhismaha Baarlamaanka Arbacada maanta ah Senator-ka ismaamulka Nairobi, Edwin Sifuna, iyo Xildhibaanka deegaan doorashada Bariga Embakasi Babu Owino ayaa sheegay in ay gudbin doonaan codsi dib u eegis garsoor oo degdeg ah. Codsigaas ayaa lagu dalbanayaa in afhayeenka lagu khasbo inuu u hoggaansamo amarradii maxkamadda, isla markaana la laalo go’aanka xayiraadda 14-ka maalmood ah ee lagu soo rogay xildhibaan Kibagendi.
Labada hoggaamiye ayaa ka falcelinayeen go’aankii Golaha Shacabka ee Talaadadii shalay inkastoo ay jireen amarro maxkamadeed oo hor istaagayay tallaabo noocaas ah. Xayiraadda ayaa salka ku haysay hadallo uu xildhibaanka ka jeediyay waraysi telefishin bishii Febraayo, kuwaas oo uu ku dhaliilay madaxbannaanida Baarlamaanka.
Go’aanka xayiraadda ayaa waxaa Golaha hor keenay Hoggaamiyaha Aqlabiyadda, Kimani Ichung’wah, iyadoo xildhibaannada ay si aqlabiyad leh u ansixiyeen. Tani ayaa ah markii labaad ee Kibagendi laga xayiro ka soo qayb galka shaqada ee gudaha barlamaanka muddo gaaban gudaheed, inkastoo Maxkamadda Sare ay hore u joojisay xayiraadii hore ilaa dacwadda si buuxda loo dhageysanayo oo go’aan laga gaarayo.