Shacabka Laikipia oo lagu amray inay ka baxaan deegaannada iyadoo howlgal ka dhan ah burcadda kaymaha la filayo

0
663

Dadka ku nool kaynta Mukogodo ee ismaamulka Laikipia ayaa lagu amray inay si degdeg ah uga guuraan halkaas, iyadoo la filayo howlgal amni oo lagu beegsanayo kooxaha hubeysan ee burcadda ah.
Mas’uul lagu magacaabo Cabdi Xasan ayaa digniintaas ku bixiyay magaalada Doldol ka dib kulan heer sare ah oo amni, isagoo siiyay dadka toddoba maalmood oo kama dambeys ah. Waxaa uu sheegay in howlgalka la qorsheeyay uu si adag u socon doono, isla markaana aan cidna laga dhaafi doonin.
Kulankaas oo ay ka qeyb galeen saraakiil sare oo militari ayaa lagu faahfaahiyay qorshe lagu weerarayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha hubeysan ee ku sugan kaynta, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan weerarro dhimasho sababay oo ka dhacay deegaanka.
Ciidamada ayaa horey u sameystay xero militari oo ku taalla meel u dhow Doldol, halkaas oo diyaarado qumaatiga u kaca la geeyay si ay u taageeraan howlgalka la filayo.
Howlgalka ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa soo ururinta hubka sharci darrada ah, iyadoo dadka haysta hubkaas lagu wargeliyay inay si iskood ah u dhiibaan, haddii kale ay wajihi doonaan tallaabooyin adag.
Qorshahan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka hoggaamiyeyaasha deegaanka, oo ay ku jirto xildhibaanka Waqooyiga Laikipia Sarah Korere, kuwaas oo dhaliilay dib u dhacyada iyo ballanqaadyada aan fulin ee la xiriira weerarradii hore.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in howlgallo la mid ah ay ka dhici doonaan dowlad deegaannada Isiolo, Meru iyo Laikipia, si loo xakameeyo burcadda hubeysan.
Dadka deegaanka ayaa muujinaya rajo taxaddar leh, inkastoo ay weli jirto shaki ku saabsan in howlgalkaan uu keeni doono amni waara.