DHEGEYSO:Shacabka Karanji oo mudaharaad sameeyay ka dib nin la sheegay inuu ku dhintay gacanta guddoomiye xaafadeedka

0
485

Dadka xaafada Karanji ee deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu ayaa dibadbax sameeyay ka dib markii ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka uu dilay mid ka mid ah dhallinyarada deegaanka.
Ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka Karanji oo lagu magacaabo Peter Mwigai ayaa la sheegay in ninkan uu qabtay isaga oo beertiisa wax ka xadaayo.
Dadka deegaanka oo caraysay ayaa isugu soo baxay guriga guddoomiyaha iyaga oo dalbanaayo in si deg deg ah loo xiro.
Dhanka kale ku xigeenka guddoomiyaha ammaanka dowladda dhexe ku matallo Ngecha iyo Tigoni Mbahisi Kihima ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan maadama hay’adaha ammaanka ay wadaan baaris ka dhan ah eedeeymaha loo jeediyay guddoomiye xaafadeedka.
Waxaa uu sidoo kale u xaqiijiyay dadka deegaanka in si deg deg ah shaqada looga joojiyay guddoomiye Peter inta laga soo gabagabeynaayo baaritaanada.