Senatarka Trans Nzoia oo DCI-da ka dalbaday inay ka laabato tallaabo ay kula xiriirisay ka ganacsiga dahabka

0
244

Senatarka ismaamulka Trans Nzoia ,Allan Chesang ayaa waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da u qabtay muddo toddobaad ah oo ay meesha uga saareysa bayaan ay siyaasigan kula xiriirisay ka ganacsiga dahabka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday fadeexad ku saabsan ganacsiga dahabka oo qof lacago looga dhacay.
Isagoo uu wakiil ka yahay qareenkiisa ahna xildhibaanka deegaanka Rarieda , Otiende Amollo ayuu Chesang wacad ku maray in toddobaad ka dib uu dacwad maxkamadeed ka gudbin doono waaxda dambi baarista.
Sidoo kale waxaa uu doonaya in laga raali geliyo in sumcadiisa la dhaawacay.
Senatarka ayaa hoosta ka xarriiqay inuunan ku lug lahayn fadeexadda la soo tabiyay oo uunan xita weligiisa ka ganacsan dahabka.
Eedeynta loo jeediyay ayuu ku tilmaamay mid niyad xumo laga dheehan karo .
Waxaa uu Allan Chesang intaasi ku daray in waxyaabo laga faafiyay isagoo xita aan su’aallo la waydiin.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in saddex eedeysanayaal oo lagu tuhunsan yahay fadeexadda ka ganacsiga dahabka in laga soo qabtay xaafadda Runda ee ismaamulka Nairobi.
Waaxda ayaa hoosta ka xarriiqday in lala wadaagay macluumaad muujinaya in eedeysanayaasha ay xiriir la leeyihiin senatar Chesang.
Tallaabada lagu soo xiray tuhmanayaasha ayaa timid ka dib cabasho uu gudbiyay muwaadin u dhashay Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Ralph Manyaka oo sheegay inay lacago badan ka dhaceen.