Safiirka Isra’iil ee Australia oo difaacay sharciga cusub ee ciqaabta dilka loogu soo rogay Falastiiniyiinta

0
157

Hillel Newman ayaa sheegay in sharciga cusub ee ciqaabta dilka ee lagu soo rogay Falastiiniyiinta, balse aan lagu dabaqin Yuhuudda Israa’iil, uu ahaa mid loo baahnaa maadaama “ciqaabta caadiga ah aysan ka hortagin dambiyada.”
Newman ayaa intaa ku daray in loo baahday cunaqabateyn dheeraad ah, sidaas darteed sharciga uu dhaqan galay, isagoo arrintan ka sheegay kulankii uu ka jeediyay Naadiga Qaran ee Saxaafadda Canberra. Waxaa uu sheegay in “dalalka fog” sida Australia oo leh derisyo sida “New Zealand iyo Fiji” ay adkaan karto in ay fahmaan hanjabaadda ay la kulmayso Israa’iil.
Waxaa uu tilmaamay in Israa’iil ay ku sugan tahay deegaan adag, islamarkaana ay leedahay derisyo doonaya burburinteeda. Sharcigan ayaa si weyn loo dhaleeceeyay isagoo loo arkay mid takoorka ku saleysan maadaama uu dil ku soo rogo Falastiiniyiinta balse aan lagu dabaqin Yuhuudda Israa’iil ee dambiyo la mid ah gala.
Newman ayaa sidoo kale sheegay in duulaanka Israa’iil ee koonfurta Lubnaan uu yahay “duulaan is difaac ah,” isagoo ka jawaabaya dhaleeceynta caalamiga ah ee ku aaddan tallaabadaas