Safiirka Iiraan u fadhiya dalka Pakistan ayaa sheegay inaysan jirin wax wadahadallo ah oo dhex maray Iiraan iyo Mareykanka, isagoo meesha ka saaray warar horey u soo baxay oo arrintaas la xiriiray.
Safiirka ayaa tilmaamay in inkastoo warbaahinta laga maqlay sheegashooyin ku saabsan wada xaajoodyo, haddana sida uu xogtiisa ku helay aysan jirin wax wadahadal toos ah ama mid dadban oo labada dal u dhexeeyay ilaa hadda.
Waxaa uu sidoo kale xusay in dalal saaxiib ah ay wadeen wada tashi ay la leeyihiin labada dhinac, si loo helo xal lagu soo afjaro dagaalka jira, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin dalalkaas.
Hadalkan ayaa imanaya xilli uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in ay jireen wadahadallo wax ku ool ah oo uu la yeeshay mas’uul Iiraani ah, balse dowladda Iiraan ayaa si cad u beenisay sheegashadaas.
Home Wararka Kenya Safiirka Iiraan u fadhiya Pakistan oo beeniyay wadahadallo toos iyo kuwo dadban...




