Ruto oo Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha mozambique

0
657

Madaxweyne William Ruto ayaa lagu wadaa inuu wadahadallo laba geesood ah kula yeesho Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi dhiggiisa dalka Mozambique, Daniel Francisco Chapo, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.
Madaxweyne Chapo ayaa dalka yimid maalintii Talaadada ka dib casuumaad uu ka helay Ruto, isagoo joogi doona saddex maalmood. Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya Kenya iyo Mozambique.
Intii uu joogay Nairobi, Madaxweyne Chapo ayaa marti sharaf ka ahaa Shirkii 4-aad ee Maalgashiga Caalamiga ah ee Kenya (KIICO), kaas oo ka furmay Xaruunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenyatta (KICC). Shirkaas ayaa isu keenay maalgashadeyaal caalami ah, dejiyeyaasha siyaasadda, iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Madaxa Golaha Wasiiradda Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in booqashada ay fursad u siinayso labada hoggaamiye inay qiimeeyaan heerka iskaashiga, xiriirka diblomaasiyadeed, isla markaana ay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, iyo amniga ee saameeya dalalkooda iyo guud ahaan Afrika.
Mudavadi ayaa sidoo kale xusay in guddiga iskaashiga joogtada ah ee Kenya iyo Mozambique uu tan iyo 1991-kii ahaa madal muhiim ah oo lagu horumariyo wada shaqeyn wax ku ool ah, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda hirgelinta heshiisyada, fududeynta ganacsiga, iyo xoojinta iskaashiga farsamo ee labada dal.