Roobab culus oo la saadaalinaya in ay ka da’aan dalka

0
449

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in roobab culus ay ka da’aan dhowr ka mid ah gobollada wadanka sida Galbeedka , Koonfurta Rift Valley iyo aagga Harada Victoria.
Suurtagalnimada la xiriirta in deegaannadan ay roobab ka da’aan ayaa u dhexeysa boqolkiiba 33 ilaa 60 boqolkiiba.
Waaxda ayaa ka digtay in meelaha qaar ay dhici karto in daadad ay ka dhashaan roobabka sidaasi awgeedna waxay shacabka ugu baaqday inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Sida saadaasha ku cad, roobabka la filaya ayaa sii jiri karo ilaa dhammaadka toddobaadkan.
Ismaamulka Nairobi waxaa ay u badan tahay inuu ka da’o roob uu heerkiisu dhexdhexaad yahay.
Dhanka kale shacabka ku nool ismaamullada Turkana, Samburu, Marsabit, Mandera, Wajeer, Isiolo, Garissa, Tana River, Lamu, Kilifi, Mombasa, Kwale, Taita Taveta, Kajiado, Makueni, Kitui, Laikipia, Baringo, West Pokot, Bungoma, Kakamega, iyo Busia ayaa lagu wargeliyay in ay maalinkii isku diyaariyaan heerkul sare oo ah in ka badan 30 degrees Celsius.
Sidoo kale waxaa xilliga habeenkii qaybo ka mid ah Nyeri, Laikipia, iyo Murang’a la filayaa in laga dareemo qabow saaid ah.
Dadweynaha ayaa lagula taliyay in ay si dhow ula socdaan warbixinnada la xiriira xaaladaha isbeddelaya ee cimillada oo ay u hoggaansamaan talooyinka dhanka badqabka ee loo jeedinaya.