Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada Ingiriiska Rishi Sunak ayaa lagu wadaa inuu saaka safar ku tago Israa’iil.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu halkaasi kula kulmo dhigiisa Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo madaxweyne Isaac Herzog ka hor inta uunan u sii gudbin waddamada kale ee bariga dhexe.
Bayaan ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay inuu hoggaamiyaasha Israa’iil la wadaagin doono farriin tacsi ah oo uu u muujin doono garab istaagga Ingiriiska ka dib weerarkii ururka Xamaas ee dalka Falastiin ee 7-dii bishan oo Israa’iil looga dilay in ka badan 1,400 oo qof.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu safar ku tagay Israa’iil isagoo maamulkaasi u xaqiijiyay inay taageero diyaar ula yihiin.
Sidoo kale Sunak ayaa horay u sheegay in beesha caalamka mustaqbalka laga doonayo inay ka hor tagto weerarkii lagu qaaday isbitaalka al-Ahli ee Qaza, falkaasi oo uu ku tilmaamay mid colaadda sii hurin karo.




