Odayaasha dhaqanka ee ismaamulka Mandheera ayaa bilaabay dadaalo cusub oo lagu soo celinayo nabada iyo xasiloonida qaar ka mid ah deegaanada ugu daran ee gobolka.
Odoyaasha sharafta leh oo ka soo kala jeeda beelaha Dagoodi iyo Garre ayaa yeeshay kulan wada tashi ah oo socday muddo labo maalmood ah, kaasoo looga arrinsanaayay sababaha keenay colaadda sii hurinaysa jilicsanaanta, amni-darrada iyo horumar la’aanta ka jirta gobolka.
Deegaanka Banisa oo caan ku ah dagaal beeleedyada soo noqnoqda ayaa si gaar ah ula daalaa dhacay xiisado iyo rabshado goos goos ah.
Odoyaasha ayaa hadda sheegay in ay go’aansadeen in ay soo afjaraan colaadaha joogtada ah iyo sidii loo heli lahaa wada noolaansho waarta oo ka dhex dhacda beelaha deegaanka.
Hindisaha nabadda oo ay ujeedadiisu tahay in la xoojiyo wada-jirka bulshada iyo kor u qaadista waarta, heshiis nabadeed oo ay bulshada wadato kaas oo dhisi doona kalsoonida, iskaashiga, iyo taageerada hay’adaha maxalliga ah ee wada noolaanshaha iyo soo kabashada loo dhan yahay.
Go’aamadii muhiimka ahaa ee lagu gaaray shirka ayaa waxaa ka mid ahaa xaqiijinta sida ay labada beelood uga go’an tahay nabad kuwada noolaanshaha iyo is ixtiraamka.
Kulanka ayaa sidoo kale la isku raacay in la howlgeliyo Guddiga Dabagalka Xabad joojinta (CMC) si ay u kormeeraan geeddi-socodka nabadda iyo hubinta in loo hoggaansamo heshiisyadii la gaaray.
Maalmaha soo socda ayaa odayaashu u qorshaynayaan in ay qaadaan olole wacyigelin ah oo bulshada iyo socdaal nabadeed oo ay hormuud ka yihiin culumaa’udiinka si ay u faafiyaan fariimaha dib u heshiisiinta iyo midnimada.
Waxaa sidoo kale jiri doona dadaal la isku dubariday oo lagu abaabulayo taageero si dadka barakacayaasha ah ay si nabad ah ugu laabtaan guryahoodii iyo tuulooyinkoodii.
Maxamed Cabdi oo ah guddoomiyaha nabada ee ismaamulka Mandera oo ka hadlay kulanka ayaa ku booriyay dhamaan dadka deegaanka in ay qaataan hindisaha iyo ilaalinta nabada meel kasta oo ay joogaan isagoo xusay in nabad la’aan ay saameyn ku yeelanayso cid kasta oo ku nool gobolka.
Oday kale oo lagu magacaabo Cadow Haaruun ayaa isna hadalkaas ka dhawaajiyay, wuxuuna ku nuux nuux saday in Mandheera ay u baahan tahay horumar, balse horumar waara uusan suurta gal ahayn nabad la’aan.
Odayaasha oo hal cod ku hadlay ayaa ugu baaqay madaxda deegaanka in ay taageeraan howshan sharafta leh ayna garab istaagaan bulshada ku dhaqan degmada Mandheera si nabad iyo horumar waara loo helo.
Home Wararka Kenya Odayaasha dhaqanka Mandheera oo bilaabay dadaallo lagu soo celinayo nabadda gobolka




