Nuurdiin Xaaji oo loo magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Kenya ee NIS

0
338

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji u magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee xige ee hay’adda sirdoonka qaranka Kenya ee (NIS).
Magacaabista ayaa timid iyadoo uu shaqada agaasimaha guud ee hay’adda NIS ee dalka Janeraal Philip Wachira Kameru, uu xafiiska banneenaya.
Janeraal Kameru ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka qaranka bishii Sagaalaad ee sanadkii 2014-kii.
Haddii uu baarlamaanka ansixiyo magacaabistiisa, Nuurdiin Xaaji waxa uu dib ugu laabanaya hay’adda sirdoonka qaranka ee NIS oo uu hore uga soo noqday agaasime ku xigeenka qaybta dambiyada abaabulan ee hay’addan.
Nuurdiin Xaaji ayaa la filayaa in guddiga baarlamaanka qaabilsan arrimaha difaaca iyo xiriirka dibadda ay turxaan bixiyaan ka dibna madaxweynaha uu si rasmi ah xilkaasi ugu magacaabo.