NTSA oo amar ku bixisay in la baadho milkiilaha matatu iyo gaari xamuul ka dib shilka Nyeri ee dilay 15 qof

0
349

Maamulka Qaran ee Gaadiidka iyo Badbaadada Waddooyinka NTSA ayaa bilaaby baaritaan ku saabsan shil baabuur oo ka dhacay waddada xiriirsa Nyeri iyo Nyahururu, kaas oo sababay dhimashada 15 qof. Warbixinno hordhac ah ayaa tilmaamaya in shilka uu u muuqdo mid ka dhashay xawaare xad dhaaf ah, darawalnimo aan taxadar lahayn, iyo suurtogalnimada in gaari xamuulka ahaa uu cilad farsamo lahaa.
NTSA ayaa sheegtay inay sameyn doonto kormeer dhanka sharciga ah ah oo ku saabsan milkiilayaasha mataatuuda iyo gaariga xamuulka si loo hubiyo u hoggaansanaanta heerarka badbaadada iyo shuruudaha laysanka. Koox baaritaan oo ka kooban hay’ado kala duwan ayaa loo diray goobta shilka si ay dib ugu soo celiyaan dhacdadii, u ururiyaan caddaymaha, isla markaana fuliyaan baaritaan dhameystiran.
Hay’adda ayaa xustay in baaritaanka uu diiradda saari doono sida saxda ah ee shilka u dhacay, xaaladda farsamo ee gaadiidka, dhaqanka darawallada, iyo u hoggaansanaanta shuruucda waddooyinka. Sidoo kale, NTSA ayaa ku adkaysay in gaadiidka aan u qalmin isticmaalka waddooyinka, gaar ahaan gaadiidka ganacsiga iyo mataatuuyda, laga saari doono waddooyinka si looga hortago shilal kale.
Madaxweynaha dalka William Ruto, ku xigeenkiisa Kindiki iyo Gachagua ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibaatadu saameysay, iyagoo xusay in dowladda dhexe iyo maamulka dowlad deegaanka Nyeri ay taageero siinayaan dadka ay shilka saameeyeen. Waxaa ay sidoo kale ugu baaqeen shacabka in ay u duceeyaan dadka dhaawacmay si ay si degdeg ah u bogsadaan.