Muwaadin u dhashay Kanada ayaa la xiray ka dib markii uu mindi ku dhuftay oo uu dhaawacay saddex qof oo ku cibaadaysanayay masaajid ku yaal xaafada Westlands, Nairobi.
Dhacdadu waxay dhacday intii lagu jiray salaadda subax ee saaka .
Qofka weerarka geystay ayaa seef ku hubeysnaa markii uu si lama filaan ah u weeraray dadkii cibaadaysanayay.
Sababta weerarka lama oga, sida ay booliisku sheegeen.
Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in dadkii cibaadaysanayay ay qabteen tuhmanaha oo ay u dhiibeen booliiska, kuwaas oo isla markiiba yimid.
Ciidamada la dagaalanka Argagaixsada oo la wareegay kiiskan ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan sido kalena baaritaan qiimeyn ah lagu sameyn doono dhimirka ninka weerarka fuliyay.




