Murkomen oo amar ku bixiyay in la adkeeyo la dagaallanka falalka rabshadaha ee ku sii kordhaya Uasin Gishu

0
431

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen, ayaa faray booliiska iyo guddiyada ammaanka ee ismaamulka Uasin Gishu in ay si adag ula dagaallamaan falal uu ku tilmaamay kuwo muujinaya dhaqan sii xoogeysanaya oo ah sharci darro ah iyo rabshado kooxeed.
Tallaabadan ayaa timid ka dib warar muujinaya koror ku yimid falalka dambiyada iyo adeegsiga kooxo dhallinyaro ah oo loo adeegsado dano siyaasadeed gudaha magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu.
Murkomen oo hadal ka jeediyay aas ka dhacay deegaanka Cheptiret ayaa sheegay in uu aad uga welwelsan yahay kordhinta falalka rabshadaha, isaga oo xusay in arrintan ay si gaar ah uga sii daran tahay maadaama ismaamulkaas uu yahay halka uu ka soo jeedo madaxweynaha dalka isla markaana ay lagama maarmaan tahay in sharciga si siman loo ilaaliyo.
Wasiirka ayaa ballan qaaday in uu adeegsan doono awooddiisa si loo soo celiyo ammaanka, isaga oo digniin u diray kooxaha dembiilayaasha ah ee isku qariya dano siyaasadeed, kuna adkeeyay in aan cidna loo eexan doonin.
Dhanka kale, waxaa uu ka hadlay qabashada lix qof oo lala xiriirinayo arrin ku saabsan xabaalo wadareed laga helay dowlad deegaanka Kericho, isaga oo sheegay in baaritaanno hordhac ah ay muujinayaan suurtagalnimo wada shaqeyn ka dhexeysa qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Nyamira iyo ilaaliyaha qabuuraha dadweynaha ee Makaburini ee Kericho.