Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa ku baaqay in ay is ixtiraamaan saraakiisha ammaanka iyo dadweynaha marka ay dhacayaan dibadbaxyada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wadajirka nabdoon uu gundhig u yahay bulsho horumarsan.
Musalia Mudavadi ayaa sheegay in laamaha amniga laga doonaya in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan oo ay hubiyaan badqabka shacabka.
Waxaa uu tilmaamay in xilliyada mudaaharaadyada ay shaqada booliisku tahay badbaadin oo aynan ahayn dhibaateyn.
Madaxa wasiirrada waddanka ayaa kenyaanka kula taliyey in si xilkasnimo leh ay u adeegsadaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo aynan ku xadgudbin xurriyadaha dadka kale.
Waxaa uu sheegay in ay aad muhiim u tahay in cid kasta ay ilaaliso sarreynta sharciga isagoo saraakiisha ammaanka uga digay in ay awood xad dhaaf ah u isticmaalaan shacabka adeegsanaya xuquuqdooda .
Baaqa Musalia Mudavadi ayaa ku soo aadaya xilli ay dadweynaha dalbanayaan isbeddello hoggaamineed, maamul wanaag iyo daahfurnaan ka dib dibadbaxyadii dhacay ee ciidamada booliiska lagu dhaliilay qaabkii ay uga falceliyeen.




