Mudavadi oo ku baaqay in la sameeyo faragelin degdeg ah oo ka dhan ah fatahaadaha Nairobi

0
408

Madaxa Golaha Wasiirada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa ku dhawaaqay dadaallo cusub oo wax looga qabanayo daadadka joogtada ah ee ka dhacaya Nairobi, isagoo ku baaqay in la sameeyo faragelin degdeg ah, isku xiran oo muddo dheer socota si loo ilaaliyo nolosha iyo hantida.
Hadalkan ayuu sheegay xili uu la kulmay wafdi ka socda Hay’adda Biyaha iyo Bulaacadda ee Nairobi si ay dib ugu eegaan xaaladda Biyo-xireenka Nairobi iyo dardargelinta qorshayaasha lagu qodayo saddexda webi ee Nairobi.
Wasiir Mudavadi wuxuu xusay in wax ka qabashada daadadka ka dhacay Nairobi ay u baahan tahay xalal degdeg ah oo waara.
Wuxuu sheegay in mudnaanta dowladdu ay tahay in la soo celiyo awoodda wabiga, la xasiliyo marinnada biyaha iyo in laga hortago fatahaadaha soo noqnoqda.
Wuxuu xusay in hindisahan uusan diiradda saari doonin oo keliya Nairobi balse sidoo kale lagu ballaarin doono meelaha kale ee ay daadadku ku badan yihiin ee dalka oo dhan, taasoo qayb ka ah jawaab celin ballaaran oo qaran.