Maxkamadda:Qasab ma aha in qofka madaxtinnimada u tartamaya uu Degree haysto

0
220

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay go’aan ah in qofka u tartamaya xilka madaxtinnimo aynan qasab ku ahayn inuu haysto shahaadada heerka Jaamacadeed ee Degree-ga.
Tani ayaa timid ka dib dacwad ay sanadkii hore maxkamadda gaystay Nazlin Cumar Rajput oo guddiga IEBC uu diiday inuu u ansixiyo u tartamidda hoggaanka wadanka taasoo loo aaneeyay in aynan haysan Degree.
Sidoo kale sanadkii hore ayay ahayd markii ay maxkamadda sare waxba kama jiraan ka soo qaaday qaybta xeerka doorashooyinka ee qeexaysa in xildhibaannada looga haaban yahay heerkan dhanka aqoonta.