Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay Khaled Maxamed Cali El Hishri, oo loo haysto dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay Liibiya intii u dhaxaysay 2015-kii iyo 2020-kii.
Mr El Hishri ayaa lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreeya Xabsiga Mitiga, halkaas oo kumanaan qof lagu xiray muddo dheer.
ICC ayaa baaraysaa dambiyo la sheegay inay ka dhan yihiin aadanaha iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay Liibiya tan iyo bishii Maarso 2011-kii, ka dib codsi ka yimid Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.




