Markabka saliidda ee uu maamulo Turkiga oo lagu weeraray Badda Madoow

0
837

Wasiirka Gaadiidka ee Turkiga Cabdulkadir Uraloglu, ayaa sheegay in markab saliid ah oo laga leeyahay Turkiga oo ay sarnayeen 27 shaqaale oo dhalasha ahaan ka soo jeeda Turkiga lagu beegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xilli uu ku sugnaa Badda Madoow.
Sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Anadolu, wax dhaawac ah lagama soo tabin markabkaas.