Mareykanka oo musuqmaasuqa dowladda Kenya ku tilmaamay caqabad ganacsi

0
151

Dowladda Mareykanka ayaa muujisay welwel cusub oo ku saabsan musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Kenya, iyadoo sheegtay in falalkan ay carqaladeynayaan ganacsiga iyo maalgashiga sharciga ah.
Warbixinta cusub ee 2026 ee Qiimeynta Caqabadaha Ganacsi ee Dibadda ayaa musuqmaasuqa ku tilmaantay caqabad joogto ah oo saameyn ku leh xiriirka ganacsi ee Mareykanka iyo Kenya. Waxaa ay tilmaamaysaa in musuqmaasuqa, oo ay ku jiraan laaluushka, uu dhibaato weyn ku yahay shirkadaha Mareykanka ee doonaya inay ka ganacsadaan gudaha Kenya.
Warbixinta ayaa sheegtay in musuqmaasuqa uu ka dhaco heer qaran iyo mid ismaamul, isagoo saameeya habraacyada kastamka, shatiyada, iyo bixinta qandaraasyada dowladda, taasoo kordhisa kharashka ganacsiga isla markaana abuurta tartan aan cadaalad ahayn oo dhaawacaya maalgashadayaasha shisheeye.
Mareykanka ayaa digniin u diray in haddii musuqmaasuqa la iska indhatiro uu curyaamin karo faa’iidooyinka heshiisyada ganacsi, carqaladeyn karo dadaallada xasilinta dhaqaalaha, isla markaana daciifin karo nidaamyada ganacsi ee caalamiga ah, taasoo si gaar ah u xaddidaysa fursadaha horumarka dhaqaale ee waddamada ay ka mid tahay Kenya.