Maraykanka ayaa ka dalbaday Xukuumadda Tehran in ay aqbasho guuldarada, haddii kale sii wadi doono weerarrada si ka xoog badan sidii hore, ka dib markii Iiraan ay diiday wada hadallo isla markaana ku adkeysatay inay sii wadi doonto dagaalka.
Weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan ayaa weli socda, halka gantaallada Iiraan ay bartilmaameedsanayaan bartamaha iyo waqooyiga Israa’iil.
Dhanka kale ciidamada Israa’iil ayaa duqeyn ka wada Lubnaan, iyadoo Raa’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu sheegay in Israa’iil ay ballaarinayso waxa uu ugu yeeray “aag ka hortaga” ee koonfurta Lubnaan.
Bahrain, Kuwait, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraatka Carabta ayaa qabtay gantaallo iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn oo ka yimid Iiraan, iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay ay digniin ka bixisay cawaaqibka ka dhalan kara xiritaanka muddo dheer ee marin biyoodka Hormuz.




