Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu diyaar u yahay loollanka siyaasadeed ee doorashada guud ee sanadka 2027-da.
Waxaa uu madaxda ka codsaday in aynan dhallinyarada ku dhiirrigelin kicinta rabshadaha.
Ruto ayaa hoggaamiyaasha ugu baaqay in taasi beddelkeeda ay qayb ka noqdaan xallinta caqabadda shaqo la’aanta ee ay wajahayaan da’yarta.
Madaxweynaha ayaa xusay in shaqaaqooyinka aynan keliya u darnayn dhallinyarada balse si guud qaranka.
Waxaa uu caddeeyay in maamulkiisa uu dhaqangelinaya barnaamijyo iyo xeerar wax looga qabanaya shaqo la’aanta jirta.
Waxaa uu ku celceliyay inuu diyaar u yahay in marka la gaaro 2027 uu kenyaanka u soo bandhigo waxqabadkiisa.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu kula kulmay 500 oo baadariyaal ah.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay ilaa 400,000 qof oo kenyaan ah ay fursado shaqo ka heleen qurbaha.




